Labo taageere oo seexday Suuliga garoonka Man United

M UNITED Lahaanshaha sawirka Getty Images

Labo ruux oo taageera kooxda Manchester United ayaa habeenkii Jimcaha baryay musqul ku taala garoonka Old Trafford iyaga oon laga warhaynin, waxayna isku dayayeen in ay daawadaan ciyaartii Horyaalka Ingiriiska ka tirsanayd ee ay Sabtidii la lahaayeen Arsenal.

Labada taageere ayaa garoonka u tagay booqasho balse waxay maareeyeen in ay ka haraan dadkii kale ee la socday.

Waxaa la helay subaxnimadii Sabtida markaas oo garoonka laga sameeyaynayay hawlgal amni waxaana lagu wareejiyay booliiska, balse markii dambe lama xirin labadas shaqsi.

United ayaa markaas sheegay in aysan jirin wax halis ah oo ku soo fool leh taageerayaasha ka qaybgalaya daawashada ciyaarta Arsenal.

Labadaasi qof alaabtooda ayaa la baaray iyada oo la mariyay mashiin inta aysan gudaha u galin garoobka.

Dhacdadan ayaa timid lix bilood ka dib markii xaalad ammaan loo baajiyay ciyaartii Man United ay la lahayd Bournemouth kaddib markii musqul ku taala garoonka Old Traford laga helay boorso laga shakiyay.