Turkiga ayaa ka noqday sharciga kufsiga gabdhaha yar mudaaharaadyo kadib

Dumarka Turkiga oo ka samaynaya mudaaharaadyo Ankara, 19 November Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Magaalo madaxda Turkiga ee Ankara ayaa waxaa ka dhacay mudaaharaadyo looga soo horjeedo sharciga

Ra'iisalwasaaraha Turkiga Binali Yildirim ayaa ka noqday sharci cafinaya nimanka loo xukumay inay la seexdeen gabdho da'dooda yar tahay haddii ay guursadeen.

Sharciga, oo ka mid ah qorshe lagu badalayo nidaamka sharciga, ayaa dib loo celiyay in looga shaqeeyo saacado ka hor intaan baarlamaanka u codayn.

Mudaaharaadyo looga soo horjeedo sharciga ayaa ka dhacay waddanka, waxaana ka yimid dhaleecayn caalamka.

Dadka dhaleecaynaya sharciga ayaa sheegay inuu sharciga ogolaanayo in lala seexdo ilmaha, iyo inay dhiirigalinayso in la guursado gabdhaha carruurta ah.

Hayadaha Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday dowladda inaan sharciga la ansixin, iyagoo ku doodaya inay wax u dhimayso awoodda dowladda ay uga hortagi lahayd xadgudubyada loo gaysto dumarka iyo guurka gabdhaha carruurta ah.

Laakiin dowladda ayaa sheegtay in ujeedada ay tahay in danbiga laga cafiyo nimanka loo xiray inay guursadeen gabdho carruur ah, iyagoo fasax ka haysta waalidkooda ama gabadha.

Sharciga Turkiga ayaa ah in 18 jir markaad tahay aad qof la seexan kartid, laakiin inay is guursadaan dad ay da'dooda yar tahay ayaa badan.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Sharciga ayaa dib loo celiyay in laga doodo intaan la keenin baarlamaanka

Wasiirka cadaalada Bekir Bozdag, ayaa difaacay sharciga, isagoo sheegay inuusan sharciga cafinayn dadka kufsiga sameeyay.

Bishii July, maxkamadda dastuurka ee Turkiga, ayaa sheegtay inaysan sharci ahayn qayb ka mid ah sharciga danbiyada oo dhigaya in loo tago ilmo ka yar 15 inay tahay xadgudub.

Guurka gabdhaha da'dooda yar tahay ee Turkiga

  • 440,000 oo ka yar 18 ayaa ilmo dhalay tan iyo 2002, 15,937 oo ka mid ah ayaa ka yar 15 sano
  • Eedeymaha xadgudubka carruurta ayaa saddex jibaarmay tobankii sano ee la soo dhaafay, iyadoo 438,000 oo gabdho da'dooda yar tahay la guursaday.

Isha xogta : Wasaarada cadaalada ee Turkiga

Mowduucyada la xiriira