Britain oo ku gacansayrtay hadal ka soo yeeray Donald Trump

Mr Nigel Farage iyo Donald Trump waxay ku kulmeen New York ka dib amrkii Trump la doortay Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Mr Nigel Farage iyo Donald Trump waxay ku kulmeen New York ka dib amrkii Trump la doortay

Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Britain ayaa ku gacan seyray baaq ka soo yeeray Donald Trump oo dowladda Britain ka dalbaday inay wakiilkeeda Washington u magacowdo Nigel Farage oo hormuud u ahaa kooxdii ka dambeysay ololaha ay Britain uga baxeyso Midowga Yurub.

Xafiiska ra'iisul Wasaaraha Britain ayaa sheegay in jagadaasi hadda aysanba banaanayn.

Wasiirka dowladda Britain u qaabilsan ka bixitaanka Midowga Yurub David Davis ayaa sheegay in safiirka Britain ee Maraykanka Sir Kim Darroch uu yahay safiir aad u fiican sanado badana ay u badan tahay inuu sii hayn doono xilkaasi.

Trump ayaa hadalkan ku qoray bartiisa Twiteer-ka. "Dad badan ayaa jeclaan lahaa inay arkaan Mr Farage oo ah wakiilka Britain u qaabilsan Maraykanka. Shaqo adag ayuu qaban lahaa", ayuu qoray Donald Trump.

Lahaanshaha sawirka Trump

Farage oo ah hogaamiyaha xisbiga soo galooti-diidka ee UKIP aaa noqday siyaasigii ugu horreeyay oo British ah ookulan la qaato Mr Trump tan iyo markii madaxweyne loo doortay. Farage ayaa taageero u muujiyay Donald Trump intii uu ku jiray ololaha.

Mr Farage wuxuu sheegay in uu diyaar u yahay inuu adkeeyo xiriirka dalkiisa iyo kan Mareykanka.

Wuxuuintaasi ku daray in dunidu ay isbedashay, xukumadda Britain-na looga baahan yahay inay iyaduna la jaan qaado isbedeladaasi.

Nigel Farage waxa uu ku eedeeyay dowladda Britain inay nacaybka ay isaga uqabto ay ka hormarisay waxa uu ugu yeeray 'danaha qaranka'.