Lacagta ay UK ammaahato ayaa hoos u dhacday canshuur badan oo la helay Octoobar awgeed

British bank notes and coins Lahaanshaha sawirka Getty Images

Lacagta ay dowladda ammaahato ayaa hoos u dhacday oo noqotay £4.8 bilyan bishii Oktoobar, kadib markii ay dowladda soo gashay canshuur badan bishii hore, sida ay sheegtay tiro rasmi ah oo soo baxday.

Lacagta ay ammaahatay Oktoobar ayaa ka yarayd £1.6bn lacagtii la ammaahday sanadkii hore bishii la mid ka hayd.

Tiradan rasmiga ayaa soo baxday maalin ka hor intaan lagu dhawaaqin qorshaha dhaqaalaha ee dowladda ee baarlamaanka looga dhawaaqayo.

Dhaqaalyahanada ayaa filayay in lacagta ay dowladda ammaahato ay noqoto £6 bilyan bishii hore.

Lacagta canshuurta ee dowladda soo gashay bishii Oktoobar ayaa ahayd tii ugu badnayd tan iyo markii la bilaabay diinwaan galinta, iyadoo ay sababtay qayb ahaan 23.6% canshuur dheeraad ah oo laga helay canshuurta shirkadaha.

Bari oo Arbaca ah ayaa la filayaa in wasiirka maaliyada ee Britain, Philip Hammond, inuu ku dhawaaqo £100 bilyan oo dheeraad ah oo la soo ammaahanayo shanta sano ee soo socota.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Wasiirka maaliyada Philip Hammond ayaa soo bandhigi doona qorshaha dhaqaale ee dowladda bari

Mr Hammond ayaa horay u sheegay inuu isbadal ku samaynayo siyaasadaha dhaqaale ee UK, kadib markii ay ka baxday Midowga Yurub.

Wuxuu doonayaa inuu maalgalin ku sameeyo meelo badan oo ay ka mid yihiin kaabayaasha dhaqaalaha.

Mowduucyada la xiriira