Maraykanka oo dilay sarkaal ka tirsanaa Al Qaacida

Dayaaradaha bilaa duuliyaha ah ee Maraykanka ayaa dilay Abu Afghan Al Masri. Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dayaaradaha bilaa duuliyaha ah ee Maraykanka ayaa lagu dilay Abu Afghan Al Masri.

Maraykanka ayaa sheegay in dayaaradahooda bilaa duuliyaha ah ay Suuriya ku dileen sarkaal sare oo ka tirsan Al Qaacida, kaasoo hore uga soo hawl galay Afgaanistaan.

Afhayeenka waaxda gaashaandhigga ee Maraykanka, Peter Cook, ayaa magaca sarkaalkaas ku sheegay Abu Afghan Al Masri, wuxuuna intaa ku daray in Jimcihii lagu dilay meel u dhow Sarmada oo ku taalla waqooyiga galbeed ee Suuriya.

Mr Cook wuxuu sheegay in sarkaalkaas oo Masar u dhashay uu xiriir la lahaa koox Maraykanka iyo xulafadiisa ku weerartay Afgaanistaan, iyo qolooyin kale oo maleegayey weerarro ka dhan ah reer galbeedka.