Jeneraal Galaal oo dhaliilay doorashooyinka Soomaaliya
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Jenaraal Maxamed Nuur Galaal, oo ka mid ah saraakiishii milateriga ee xukuumaddii Kacaanka

Jenaraal Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ah saraakiishii milateriga ee xukuumaddii Kacaanka ayaa maalmahan ku sugnaa magaalada Hargeysa, asagoo halkaasi kula kulmay madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Jenaraal Galaal ayaa wareysi uu BBC-da siiyay ku sheegay in hannaanka doorasho ee hadda ka socda Soomaaliya uu yahay mid khatar ah oo dalka halis u keenaya.

Waxa uu sidoo kale sheegay in uu weli rumeysan yahay in midnimada Soomaaliya ay faa'iido u leedahay dhammaan umadda Soomaaliyeed.

Jenaraalka ayaa u warramay weriyaha BBC ee Hargeysa, Axmed Saciid Cige, oo marka hore wax ka weydiiyey kulankii uu la yeeshay madaxweynaha Somaliland.