Facebook oo samaynaya hanaan 'Shiinaha dhexdiisa lagaga isticmaali karo'

Madaxa Facebook Mark Zuckerber ayaa dhawaan la kulmay hogaamiyaha Shiinaha Xi Jinping, wuxuuna wakhti galiyay barashada afka Mandarin ee Shiinaha looga hadlo. Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Madaxa Facebook Mark Zuckerber ayaa dhawaan la kulmay hogaamiyaha Shiinaha Xi Jinping, wuxuuna wakhti galiyay barashada afka Mandarin ee Shiinaha looga hadlo.

Shirkadda Facebook ayaa ka shaqaynaysa software gaar ah oo loo isticmaali karo in waxa lagu qoro bartan bulshadu ku xiriirto laga xayiri karo deegaanno gaar ah, sidaas waxaa lagu sheegay warbixin lagu daabacay wargeyska New York Times.

Wargeyska ayaa sheegay in uu xogtan ka helay saddex ruux oo qaarkood hadda u shaqeeyaan qaarna ay ka tageen shirkadda.

Dadkaas ayaa xaqiijiyay in shirkaddu ay ugu talagashay in hanaankan cusub uu u suurtagaliyo in ay dib ugu laabato oo macaamiil ka hesho dalka Shiinaha.

Facebook ayaa diiday in uu xaqiijiyo amaba diido jiritaanka hanaankan cusub, balse wuxuu sheegay inay wakhti galinayaan sidii ay u fahmi lahaayeen wax baddana uga baran lahaayeen Shiinaha.

Lahaanshaha sawirka AFP

Tan iyo 2009 sida kali ah ee Shiinaha looga isticmaali karo Facebook wuxuu ahaa software gaar loo leeyahay oo aan sheegaynin meesha rasmiga ah ee uu joogo ruuxa isticmaalaya, isla markaasna khayaani kara habka lagu xadidido internetka ee dalkaas.

Facebook ayaa hadda haysta macamiil si joogto ah u isticmaasha oo gaaraysa 1.8 bilyan, wuxuuna aad ugu dadaalayaa in uu sii balaariyo macaamiishaas oo uu gaaro kuwa jooga dalalka aan hadda laga isticmaalin Facebook.