Bolivia: Abaaraha dartood iskuullo badan ha loo xiro

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Kaydka biyaha Ajuan Khota oo sidan u ingagay ayay magaaladu biyaha ka heli jirtay

Dawladda Bolivia ayaa sheegtay in ay labo todobad ka soo hormarinayso wakhtiga xiritaanka sanad dugsiyeedka iskuullada saddex gobol.

Saddexdaas gobol ayaa la sheegay in ay aad u saameeyeen abaar dabo dheeraaday oo saamayn badan yeeshay.

Isniintii, dawladda ayaa ku dhawaaqday xaalad dagdag ah oo qaran si wax looga qabto abaarta.

Dadka ku nool magaalada ugu wayn dalkaasi ee La Paz ayaa safaf dhaadheer ku jira iyaga oo sugaya booyado biyo wada.

Guryo badan oo ku yaala deegaankaas ayaa biyaha hela saddex dii maalmoodba hal mar arrintaas ayaana soo taagnayd tn iyo billawgii bishan.