Leicester oo horumar ka samaysay Horyaalka Yurub

Leicester City FC Lahaanshaha sawirka .

Tababaraha kooxda Leicester City, Claudio Ranieri ayaa sheegay in ay waajib tahay in kooxdiisu ay niyadda ku dhisato sidii wanaagsanayd ee ay u hanteen horyaalka Ingiriiska.

Kooxdan oo lagu naanayso Foxes ayaa u gudbay wareega 16-ka kooxood ee horyaalka Qaaradda Yurub ee loo yaqaanno Champions League kaddib markii ay 2 -1 xalay kaga adkaadeen kooxda Brugge ee dalka Belgium-ka ka dhisan.

Leicester ayaa ciyaartan safatay iyada oo u baahan hal dhibic oo kali ah si ay wareega kale ugu gudubto, laakiin waxay hanatay saddexdii dhibcoodba taas oo u saamaxday in ay hogaamiso kooxihii ay wada loolamayeen, waxayna ka hormareen kooxda Porto oo haysata koobka European champion ee sanadkii 2014-kii iyo waliba kooxda FC Copenhagen oo haysata horyaalka Denmark

Laakiin waxaa laga badiyay 6 ciyaarood oo ka mid ah 12-kii ciyaarood ee ugu horeeyay ee ay ka dheeleen Horyaalka Ingiriiska ee xilli ciyaareedkan, labo dhibcood oo kali ah ayayka ka koreeyaan saddexda kooxood ee ugu hooseeya tartankaas.