Mudaaharadyo luuqad la xiriira oo ka socda magalo Cameroon ku taalla

Mudaaharaadkani wuxuu ku salaysan yahay luuqad Lahaanshaha sawirka AP

Waxaa kacsan xaaladda magaalada Bamenda eek u taalla waqooyiga galbeed ee dalka Cameroon.

Dukaammada intooda badan waa la xiray , laakiin dumarka ayaa cuntada si halhaleel ah u gadanaya kuna noqonaya guryaha si aysan bartanka ugu galin haddi ay rabshado kale dhacaan.

Waxaa lagu soo waramayaa in hal ruux uu dhintay shalay ka dib markii iskuulo waxbarashada ku bixin jiray Ingiriis lagu soo rogay in ay Faransiis ku badalaan.

Laamaha ammaanka ayaa qiiqa dadka ka ilmaysiiya iyo rasaas ku kala eryay mudaaharadayaal dawladda ka soo horjeeda, kuwaas oo dawladda ku dhaliilay in ay gacan bidixaynayso goobaha Ingiriiska lagaga hadlo.

Dad goobjooge yaal ah ayaa sheegay in ay arkeen millatariga oo dad garaaca, laadaya ama dhulka ku jiida.