Dagaalka Mosul: Maleeshiyada Ciraaq oo ' jidka Mosul ka gooyay IS'

Dagaalka Mosul Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Mosul

Maleeshiyada Ciraaq ayaa sheegay inay qabsadeen jid muhiim ah ee galbeedka Mosul, iyadoo ay ku hareersameen kooxda la magac baxday dowladda Islaamiga.

Maleeshiyada (Hashd al-Shaabi) ayaa ku dhawaaqday inay la wareegtay jidka u dhaxeeya Tal Afar iyo Sinjar, kadib markii ay kaashadeen ciidamada Kurdiga.

Mintidiinta IS ayaa wali haysta qayb jidka u dhaxeeya Tal Afar iyo Mosul.

Dhinaca kale, weerar diyaarad ayaa lagu soo waramayaa in lagu qaaday buundo ku taal Mosul, iyadoo ciidamada ay ku socdaan dhinaca bari.

Waxaa jira hadda oo kaliya hal buundo oo shaqaynaysa ee dulmarta wabiga Tigris, ee magaalada mara.

Ilaa 50,000 cidaamada Ciraaq, kuwa Kurdiyiinta, maleeshiyada Sunniga iyo Shiicada ayaa ka qayb qaadanaya shan toddobaad dagaal socda oo looga bixinayo kooxda IS magaalada wayn ee ugu danbaysa ee ay haystaan.

Mowduucyada la xiriira