Waraysi:  Abaarta ka taagan bariga Somaliland
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waraysi: Abaarta ka taagan bariga Somaliland

Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Somaliland ayaa maalintii shanaad socdaal ku kala bixinaya dhulka miyiga ah ee gobollada bariga Somaliland ee abaartu ku dhufatay dad iyo xoolaba.

Waxay soo mareen gobollada Saaxil, Togdheer, Daad-madheedh , Saraar, iyo Sool.

Haddaba wasiirka warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) oo ka mid ah wafdiga madaxweynaha ayey weriyaha BBC-da Suhayba Maxamed Badqas ka waraysatay socdaalka madaxweynaha, ugu horrayna waxay waydiisay bal inuu sawir guud ka bixiyo xaaladda ay ku suganyihiin meelaha ay ilaa haatan soo mareen.