Baarlamaanka Yurub oo Turkiga ka shiraya

Recep Tayyip Erdogan Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Recep Tayyip Erdogan

Baarlamaanka Midawga Yurub ayaa galinka dambe ee maanta cod u qaadaya in la baajiyo wadahadaladii Turkiga ay la lahaayeen ee ku saabsanaa sidii uu ugu biiri lahaa Midawga Yurub.

Codka loo qaadayo wadahadalkan wuxuu jawaab u yahay sida ay dawladda Turkigu uga jawaabtay afgambigii dhicisoobay ee bishii July.

Afgambigaasi dhicisoobay ka dib dawladdu waxay xirxirtay dad badan, waxaana albaabada loo laabay xarumo warbaahin oo badan, sidoo kalana waxaa hawlgallo lagu qaaday siyaasiyiintii mucaaradka ah.

Weriyaha BBC-du wuxuu leeyahay waxay u badan tahay in la hakin doono wadahadalkan.

Baarlamaanka Yurubna wuxuu sheegay in codkan uu fariin u dirayo madaxwayne Recep Tayyip Erdogan, laakiin Erdogan ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay arrintaas, Midawga Yurubna wuxuu ku eedeeyay in uu la safanayo argagixisada wixii ka dambeeyay afgambigii dhicisoobay.