Qarax bomb ayaa Ciraaq ku dilay ku dhawaad '80 Shiico oo siyaaranaysay'

Shiico siyaaranaysa Karbala Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Malaayiin Shiico ayaa booqda Karbala si ay u siyaartaan Arbaeen

Ugu yaraan 70 Shiico oo siyaaranaysay ayaa ku dhintay qarax bamb ee ka dhacay jidka, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka.

Qaraxa ayaa lala beegsaday saldhig batrool iyo maqaayad oo u dhawaa al-Hilla, oo 100km (60 miles) ka xigta koonfurta Baqdaad.

Jidka ayaa waxaa ka buuxay dad ka soo noqonaya siyaarada Arbaeen ee magaalada Karbala. Madaxa ammaanka gobolka, Falah al-Radhi, ayaa sheegay dadka dhintay inay u badnaayeen reer Iran.

Kooxda la magac baxday Dowladda Islaamka ee IS, ayaa sheegtay inay qaaday weerarka.

Busas waday Shiicada Iran oo siyaaranayay ayay u eg tahay in lagu beegsaday weerarka, oo ka dhacay meel u dhow tuulada Shomali.

Mr Radhi BBC u sheegay in ku dhawaad 80 qof ay ku dhinteen qaraxa, in ka badan labaatana ay ku dhaawacantay. Dhimashada ayaa la filayaa inay badato.

" Waxaa jira ugu yaraan 70 dhimasho, in ka yar 10 ayaa ah reer Ciraaq, inta kale waa reer Iran," ayuu Mr Radhi u sheegay AFP.

Mowduucyada la xiriira