Hindiya: Bangiga Bangalore darawal u waday lacag ayaa la fakaday $134,000

Macaamiil jooga bangiga Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Mashiinada bangiyada ee ATMs ayaa si dhaqso ah lacagta cusub uga dhamaanaysaa iyadoo aysan suuqa wada gaarin

Boliiska magaalada Bangalore ee Hindiya ayaa raadinaya darawal baabuur oo u siday lacag mashiinada bangiga ATM, kadib markii uu la fakaday 9.2 milyan oo rupees ama $134,000.

Dominic Selvaraj, ayaa loo haystaa inuu la cararay gaariga ay lacagta saarneed, kadib markii qofkii la socday uu musqusha galay.

Boliiska ayaa sheegay in baabuurkii looga tagay magaalada Bangalore isla maalintii.

Waxaa jiray safaf badan oo loo galay mashiinada bangiga ee ATM, tan iyo markii Hindiya ay mamnuucday lacagta 500 iyo 1,000 rupee si ay uga hortagto musuqmaasuq.

Dowladda ayaa soo saartay lacag 500 iyo 2,000 rupee oo cusub, laakiin wali suuqa ayaa la galinayaa iyadoo bangiyada ay ka dhamaanayaan lacagtii cusbeed.

Sarkaal sare ee boliiska, Charan Reddy, ayaa u sheegay BBC in darawalka uu shaqada bilaabay saddex toddobaad ka hor isagoo u shaqaynayay shirkad lacagta u keenta mashiinada bangiyada.

Mowduucyada la xiriira