Hantodhowrka oo ka hadlaya musuqa doorashada
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Hantidhowrka oo ka hadlaya musuqa doorashada

Iyadoo beesha caalamka iyo ururrada bulshada rayidka ay walaac ka muujiyeen hanaanka doorashada ee Soomaaliya iyo qaabka ay wax u socdaan, ayaa hanti dhowrka guud ee Soomaaliya Nuur Faarax Jimcaale waxaa uu dhankiisa sheegay in Musuq maasuq uu hareeyay doorashada.

Wuxuu kaloo ku eedeeyey qaar kamid ah Madaxda dalka inay ku takrifalayaan hantida qaranka.

Eedeymahaas iyo wax is daba marinta ka taagan hanaanka doorashada ee Soomaaliya ayuu uga warramay Bashiir Maxmed Caato.