Falanqeyn: Digniinta Erdogan ee EU mineheedu muxuu yahay?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Falanqeyn: Digniinta Erdogan ee EU mineheedu muxuu yahay?

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa uga digay Midowga Yurub in uu xuduudihiisa u furi doono boqolaal kun oo muhaajirihiin ah.

Digniintaasi ayaa ka dambeysay markii uu baarlamaanka Yurub u codeeyay in la joojiyo wadahadalada ku aaddan xubinnimada Turkiga, maadaama sida uu sheegay ay xukuumadda dalkaasi awood xad dhaaf ah u adeegsaday dadka lagu tuhunsan yahay isku daygii afgembi ee July.

Madaxweyne Erdogan ayaa ku eedeeyay Midowga Yurub in uu ka baxay ballanqaadyo uu horay ugu sameeyay Turkiga.

Labada dhinac ayaa horay ugu heshiiyay in Ankara ay joojiso muhaajiriinta kasoo gudbeysa xuduudaheeda, taa bedelkeedana loo dedejin doono wadahadalada xubinnimada Midowga Yurub.

Hadaba culeyska uu hadalkaasi yeelan karo ayaa Dr Sacad Sheekh Cusman oo arrimaha caalamka ka faallooda, wuxuu uga warramay Axmed Xaji Xasan.

Mowduucyada la xiriira