Qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Muqdisho

Qaraxa Muqdisho
Image caption Suuqa uu qaraxa ka dhacay ee Muqdisho

Ugu yaraan 10 qof ayaa dhimatay, qaar kalena waa ay dhaawacmeen kaddib markii uu qarax ka dhacay suuq ku yaala magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhashay baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo la dhigay suuqa beerta ee degmada Waaberi.

Saraakiisha gurmadka deg degga ayaa BBC-da u xaqiijiyay in dhimashadu ay kor u dhaafeyso ilaa labaatan.

Qaraxan ayaa ku soo beegmayo iyada oo qaybo badan oo Soomaaliya ka tirsan ay indhawaaleba ka socotay doorashada xubnaha baarlamanka.

Ilaa iyo haatan ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxaasi.