Dagaal ka dhacay galbeedka Ugandha oo 14 qof lagu dilay

Ciidamada Ugandha ayaa sheegay in kooxdaasi ay doonayaan inay qalalaase ka abuuraa Kasese Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ciidamada Ugandha ayaa sheegay in kooxdaasi ay doonayaan inay qalalaase ka abuuraa Kasese

Ugu yaraan 14 qof ayaa ku dhimatay dalka Ugandha, ka dib markii ay isku dheceen ciidamada iyo malleeshiyo daacad u ah mid ka mid ah boqorada dhaqanka.

Dableyda ayaa la sheegayaa inay weerar ku qaadeen saldhig boolis oo ku yaalla Kasese ee galbeedka Ugandha.

Magaaladaasi waa meesha uu deggan yahay boqorta dhaqanka ee Rwenzururu, Charles Wesley Mumbere.

Sideed malleeshiyada ah iyo laba askeri ayaa ka mid ah dadka dhintay.

Afhayeen u hadlay dowladda ayaa malleeshiyadaasi ku eedeeyay inay raadinayaan inay ka go'aan dalka Ugandha.

Boqorka ayaa beeniyay inay kooxdiisa wax xiriir ah uu la leeyahay.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan