AMISOM oo loogu baaqay inay banneyso staadiyamka Moqdisho
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

AMISOM oo loogu baaqay inay banneyso staadiyamka Moqdisho

Xidigihii hore ee kubadda cagta Soomaaliya ee sanadii 70-naatkii ilaa 80-naatkii ayaa qaarkood haatan dib ugu noqdeen dalka oo ay muddo ka maqnaayeen. Qaar ka mid ah ciyaartoygaa hore ayaa ku baaqay ciidamada AMISOM laga raro garoonka weyn ee Muqdisho Studium.

Waxay sheegeen in tallaabadaasi gacan ka gaysan doonto kor u qaaddida tayada farsamada ciyaareed ee ciyaartoyga dalka.

Maxamed Cumar Baakay, ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay laba ka mid ah ciyaartoygaa aadka loo yaqaanay oo kala ah Axmed Cabdikariin Walaayo oo ku magac dheer CANTAR JEENYO oo u ciyaari jiray kooxda JEENYO 72 kii ilaa 80 kii iyo Cabdicasiis Xaaji oo loo yaqaan Giftin oos isna u safan jiray kooxdii FIAT AMA WAGAD, sanadihii todobaataneeyadii. Baakaay ayaa ugu horray Cantar Jeenyo waydiiyey bal markii la kala yaacay halkuu dunida ka galay!

Mowduucyada la xiriira