Xarunta tignoolajiyadda iyo seyniska Jaamacadda Umadda oo la furay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xarunta Sayniska iyo Tiknolojiyadda Jaamacadda Ummadda oo la furay

Jaamacadda Ummadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu soo kordhiyay xarun cusub oo loogu talo galay Sayniska iyo Tiknolojiyadda.

Xaruntan ayaa noqonaysa tii labaad ee ka mid ah toddobada xarumood oo ay Jaamacaddu lahaan jirtay ee haatan dib loo furay, waxaana loogu talagalay in sanad kiiba ay geli karaan laba kun oo arday.

Jaamacadda waxa dib loo furay 2014-ka iyadoo xidhnayd labaatan sano iyo dheeraad dalka qalaalse ka taagnaa.

Haddaba Maxamed Axmed Jimcaale, oo ah Rektarka ama gudoomiyeyaha Jaamacadda Ummadda ayaa isagoo jooga magaalada Muqdisho waxa khadka telefanka kula xidhiidhay Cabdifataax Ibraahin Cagayare oo ugu horrayn waydiiyey maadooyinka lagu dhigi doono qaybtan cusub ee haatan la furay.