Gugudoomiyaha Beledweyene oo ka hadlay colaadda gobolka
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Gudoomiyaha Beledwayne oo ka hadlay colaadda gobolka

Ciidamada Midowga Afrika, gaar ahaan kuwa ka socda dalka Djibouti, iyo ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa saaka kala dhex galay miliishiyo beeleedyo dhawrkii maalmood ee ugu danbeeyay ku dagaalamayay deegaano hoos yimaada magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Intii uu hawlgalkaasi socday waxaa ku dhintay askari ka tirsanaa milatariga Soomaaliya.

Saraakiishii hawlgalkaasi hogaaminaysay waxa kamid ahaa gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jayte Cusmaan, waxa uu u waramay weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan.

Mowduucyada la xiriira