Dhageyso: Cabsi Soomaalida soo wajahday ka dib weerarkii Ohio
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dhageyso: Cabsi Soomaalida soo wajahday ka dib weerarkii Ohio

Nin Soomaali ah oo llagu magacaabay Cabdulrazaq Cali Carte uu weeraray jaamacadda Ohio. Ninka oo da'diisa lagu sheegay 20 sano jir, ayaa sidoo kale ardey ahaa.

In kabadan 10 qof ayaa ku dhaawacantay weerarka ka dib markii gaari uu jiirsiiyay dad ku sugnaa jaamacadda gudaheeda. Ninkaasi ayaa markaasi ka dib gaariga ka degay wuxuuna billaabay inuu middi ku weeraro dadkii kale. Waxaa markii dambe toogasho ku dilay booliska oo Jaamacadda Ohio gaaray.

Hadaba Jibriil Cali Ow-Maxamed waxa uu bare sare ka yahay Jaamacadda Ohio, goobta ayuuna joogay markuu weerarka dhacayay. Axmed Xaji xasan ayuu u warramay

Mowduucyada la xiriira