Diyaarad ay koox kubadeed oo reer Brazil ah saarnaayeen oo burburtay

Kooxdani waxay u socdeen ciyaar kama dambays ah oo ka tirsan koobka Copa Sudamericana Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Kooxdani waxay u socdeen ciyaar kama dambays ah oo ka tirsan koobka Copa Sudamericana

Diyaarad ay saarnaayeen 81 ruux oo ay ka mid ahaayeen koox kubadeed oo reer Brazil ah ayaa dhacday iyada oo ku sii dhaw magaalada Medellin ee dalka Colombia, sida ay saraakiishu sheegeen.

Booliisku waxay sheegeen in ay shan ruux ka badbaadeen burburka diyaaradda balse ay dhinteen dadkii kale ee saarnaa diyaaradaas.

Diyaaradan oo ka soo duushay Bolivia waxay waday xubno ka tirsan kooxda kubadda cagta ee Chapecoense sida ay saraakiisha garoonku sheegeen.

Kooxdaasi waxay ciyaarta kama dambays ah ee koobka Chapecoense la dheeli lahayd kooxda Atletico Nacional.