Qadar oo u balanqaaday Tunisia bilyan dollar oo gargaar

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Hotekal Rui Imperial Marhaba ayaa ka mid ahaa meelaha ay deganaayeen dadkii lagu dilay weerarka dalxiisayaasha ee 2015-kii

Dowladda Qadar ayaa u balan qaaday in ka badan bilyan dollar oo gargaar oo lagu caawinayo dhaqaalaha Tunisia.

Balanqaadka ayaa lagu sheegay bilowga shir ka socda magaalo madaxda Tunisia ee Tunis, oo ay isugu imaadeen laba kun oo ganacsato iyo siyaasiyiin caalami ah.

Ujeedada shirka ayaa ah in lagu soo jiito in kabadan soddon bilyan oo dollar oo maalgalin ah. Tunisia ayaa la kulantay dhibaatooyin dhaqaale kadib kacdoonkii carabta ee 2011.

Dhaqaalaha Tunisia ayaa aad ugu xiran dalxiiska oo hoos u dhacay, kadib markii weerar argagixiso oo lagu qaaday dalxiisayaal ay ku dhinteen soddon iyo siddeed qof sanadkii hore.

Nin hubaysan ayaa ku furay xabado dalxiisayaal joogay Port El Kantaoui, oo ah xarun dalxiis oo ku taal waqooyiga Sousse bishii June 2015.