Caalamka oo ka tacsiyeynaya kooxdii ku dhammaatay shilka

Dad badan ayaa isugu tagaya garoonka kooxdaasi si ay ugu duceeyaan Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dad badan ayaa isugu tagaya garoonka kooxdaasi si ay ugu duceeyaan

Tobannaan kun oo qof ayaa waxay isugu tageen magaalada Chapeco ee koofurta Brazil.

Waxay dadkaasi tagayaan karoonka kooxda diyaaradda la burburtay.

Chapecoense ayaa inta badan ciyaartoydeeda ay ku dhinteen burburka diyaaradda oo ku dhacday dalka Comlombia.

Taageerayaasha kooxda ayaa u lugeynaaya garoonka si ay ugu duceeyaan kooxda baaba'day.

Kooxda waxay u socdeen inay sii ciyaaraan kullankoodii ugu weynaa abid oo ah finaalka horyaalka Copa Sudamerica.

Xiriirada kubadda cagta caalamka iyo ciyaaryahanada ayaa ka tacsiyeynaya kooxdaasi musiibada ku dhacday.

Madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino, iyo ciyaaryahanada caanka ah intooda badan sida, Pele, waxa ay sheegeen in ciyaarayaha kubadda cagta ay tacsi weyn u taallo.

Lionel Messi iyo Neymar waxay dhankooda ka tacsiyeeyeen dhacdadaasi.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan