Talaalka HIV oo laga billaabay Koonfur Afrika

Maalin kaste in kabadan kun ruux oo ku nool Koonfur Afrika ayaa qaada fayraska HIV Lahaanshaha sawirka THINKSTOCK/LEONIEPOW
Image caption Maalin kaste in kabadan kun ruux oo ku nool Koonfur Afrika ayaa qaada fayraska HIV

Talaal cusub oo looga hortagayo fayraska HIV ee keena xanuunka AIDS-ka ayaa si tijaabo ah looga billaabayaa dalka Koonfur Afrika maanta (arbaco).

Saynisyahannadu waxay sheegeen in cilmi baaristani ay tahay midii ugu waynayd uguna casrisanayd ee dalkaasi laga hirgaliyo.

Dad lagu qiyaasay todobo milyan oo reer Koonfur Afriko ah ayuu hayaa oo la nool fayraskaas, maalinkastana in kabadan kun ruux ayaa HIV qaada.

Khabiiro ka socda dalka Maraykanka oo maalgalinaya tijaabadan ayaa sheegay in ay rajaynayaan in talaalkani uu noqdo mid aan waxyeello lahayn oo waxtar leh kaas oo noqon doona talaalka kama dambaysta ah ee Fayraska HIV.

Cilmi baadhistan ayaa ku qotanta tijaabo Thailand laga sameeyay 2009-kii, taas ka hortageeda lagu qiimeeyay boqolkiiba soddon.

Natiijada Koonfur Afrika ka soo baxda ayaa la filayaa in la helo muddo afar sano ah gudaheed ah.