Trump oo shaaciyay in uu faraha ka qaadayo hawlaha ganacsigiisa

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Trump ayaa horay u sheegay in aysan is khilaafaynin madaxnimadiisa iyo ganacsigiisa

Madaxwaynaha la doortay ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in uu si buuxda faraha ugala baxo arrimaha ganacasigiisa, wuxuuna arrintaas ku macneeyay in uu rabo in uu ahmiyadda saaro madaxwaynenimadiisa iyo in aysan dhicin in ay iska hor imanin labadaas masaal

Trump wuxuu sheegay in uu arrintaas ku faahfaahin doono shir jaraaid oo ay bisha soo socota qaban doonaan isaga iyo caruurtiisa.

Mar hore ayuu meesha ka saaray walaaca ku saabsan in ay iska horyimaadaan danahiisa ganacsiga iyo madaxwaynenimadiisa.

Ma jiro sharci sheegaya in uu faraha kala baxo ganacsigiisa, laakiin madaxweyneyaashii hore ee Maraykanka ayaa faraha kala bixi jiray hawlihii ganacsiga ee ay ku sii jireen.