Shineemooyinka Hindiya oo lagu amaray inay shidaan heesta calanka

Carruurta Hindiya oo heesaysa heesta calanka Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Waa qasab in la istaago marka la shido heesta calanka

Maxkamadda sare ee Hindiya ayaa amartay in shineemooyinka oo dhan ay shidaan heesta calanka inta aan la bilaabin filinka.

Garsoorayaasha ayaa sheegay in amarka la hirgaliyo toban maalmood gudahood dadkana waa inay istaagaan markii heesta la ciyaarayo.

1960 -yadii iyo 1970-yadii, shineemooyinka ayaa ciyaari jiray heesta calanka, laakiin way yaraatay waayadan danbe. Go'aanka maxkamadda ayaa rayiga dadka ay ku kala duwanaayeen barta bulshada.

Ma jiro hal sharci hindiya oo ku saabsan heesta calanka, 29 -ka gobol ayaa leh sharciyadooda heesta calanka.

Sanadkii 2003, gobolka galbeedka ee Maharashtra ayaa ka dhigay sharci in shineemooyinka ay ciyaaraan heesta calanka, laakiin sanadkii hore, maxkamadda sare ee Madras ayaa go'aamisay gobolka Tamil Nadu in ay arintan keenayso jahawareer.

Arbacadii, laba garsoore ee Dipak Mishra iyo Amitav Roy ayaa go'aamiyay in heesta calanka ay ciyaaraan shineemooyinka oo dhan, iyada oo la arkayo calanka Hindiya.

"Dadka waa inay joojiyaan xoriyada gaarka ah oo ay lahaadaan dareen dal jacayl" ayay warfaafinta Hindiya soo xigteen inay dhaheen garsoorayaasha.

Go'aanka ayaa keenay dood baraha bulshada, oo ay dadka fikradahooda ku kala duwanaayeen go'aanka garsoorka.

Dadka qaar ayaa go'aanka u arkay mid aan loo baahnayn, halka dad kale ay u arkeen in ay caadi tahay. Laakiin dad badan, ayaa warka u arkay wax lagu qoslo.

#Heesta calanka ayaa ahayd waxa ugu wayn ee la hadal hayo Twitter-ka Hindiya maanta.

Lahaanshaha sawirka @vikixlr8
Lahaanshaha sawirka @the_timeliners
Lahaanshaha sawirka @KabirTaneja
Lahaanshaha sawirka @manakgupta
Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Shineemooyinka oo dhan ma ciyaaraan heesta calanka

Mowduucyada la xiriira