Midowga Yurub oo yaraynaya isticmaalka tamarta 30% sanadka markuu yahay 2030

Tamarta dabaysha laga dhaliyo Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Isticmaalka tamarta nadiifka ah ayaa qayb wayn ka qaadan doonta qorshaha cusub

Guddiga Yurub ayaa sheegay inay qorshaynayaan dhimista tamarta ee waddamada Midowga Yurub 30%, sanadka markuu yahay 2030.

Qorshaha ayaa qayb ka ah barnaamij cusub oo uu soo bandhigay Guddiga, si wax looga qabto dhimista kaarboonka hawada gala oo ka mid ah heshiiskii cimilada ee Paris.

Qorshaha ayaa sidoo kale lagu doonayaa in lagu hormariyo tamarta nadiifka ah, awoodna lagu siiyo macaamiisha inay iibiyaan korontada ay soo saaraan.

Laakiin kooxaha ka soo horjeeda ayaa ku dhaleeceeyay talaabadan inay albaabada u furayaan in lacag lagu kabo dhuxusha.

Heshiiska Paris ee cimilada ayay Midowga Yurub ku balan qaaday inay ku yaraynayso gaaska CO2 40% sanadka markuu yahay 2030.

Qorshaha maanta ee lagu yaraynayo tamarta badan ee la isticmaalayo iyo in si fiican loo isticmaalo ayaa ka mid ah balanqadkaas

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption In dib loo dhiso guryahii hore si aysan u qasaarin tamarta ayaa ka mid ah siyaabaha lagu yaraynayo isticmaalka tamarta

Mowduucyada la xiriira