Guddoomiyaha Jalalaqsi oo ka hadlay weerar ay Al Shabaab ku qaadday
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Guddoomiyaha Jalalaqsi oo ka hadlay weerar ay Al Shabaab ku qaadday

Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa ka badbaaday isku day dil, ka dib markii kolonyo uu la socday ay wadada u galeen dagaallamayaal ka tirsan Al-Shabaab, meel ku dhaw deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Guddoomiyaha iyo kolonyada la socotay ayaa ka tagay magaalada Jowhar, waxa ayna ku socdeen magaalada Jalalaqsi.

Hal askari oo ciidanka dawladda ah ayaa weerarkaasi ku dhintay, labo kalena way ku dhaawacmeen.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan ayaa taleefanka kula hadlay gudoomiyaha degmada Jalalaqsi Maxamad Cabdulle Fiidow, waxa uuna marka hore weydiiyay sida uu u dhacay weerarka uu ka badbaaday.