Gabar Soomaaliyeed oo ka dhaxmuuqata bulshada Mennisota
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Gabar Soomaaliyeed oo ka dhaxmuuqata bulshada Minnesota

Taxanaha BBCda ee 100 haween ah, aalaaba waxaannu diiradda ku saarnaa guulaha ay haweenka caalamka gaaraan ama kuwa sameeya waxyaabaha aan caadiyan looga baran dumarka.

Taxanahan maanta waxaannu ku wareysaneynay Saciido Shaaciye, oo aasaastay isla markaana ay madax ka tahay hay'ad ka shaqeeysa arrimaha haweenka iyo dhalinyarada oo la yiraahdo "UMA project".

Barasaabka gobolka Minnesota ayaa arrintaa awadeed waxa uu Saciido u magaacabay in ay ka mid noqoto guddi kala taliya arrimaha haweenka iyo qoyska.

Weriyaha BBC-da Maxamed Xaaji Xuseen Shiine ayaa waraystay waxa uuna ugu horayn waydiiyay bal waxa ay qabato hay'addoodu.