Wiil yar oo Soomaali Kenyaan ah oo natijo wanaagsan ka keenay imtixaanka dugsiga hoose dhaxe ee Kenya
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wiil yar oo Soomaali ah oo naatijo wanaagsan ka keenay imtixaanka dugsiga hoose dhaxe ee Kenya

Dalka Kenya, shalay waxaa la shaaciyay natiijada imtixaanaadka qaran ee dugsiyada hoose-dhexe, waana markii ugu horreysay natiijadan laga soo hormariyay xilligii caadiyan la shaacin jiray.

Sanadihii ugu dambeeyay imtixaanaadka qaran ee Kenya ayaa waxaa hareeyay qish iyo musuq ballaaran, taasi oo horseeddayba in sanadkan gudahiisa la kala diro guddigaa qaran ee imtixaanaadka Kenya.

Haddaba natiijadii shalay la shaaciyay ardayda aadka ugu farxay waxaa ka mid ah Cabdullaahi Maxamed oo 14 jir ah, kaalin fiicanna ka galay imtixaankaasi.

Weriyaha BBC-da Bashkas Jug soo dhacay ayaa Cabdullaahi iyo Aabihii iyo maamulaha iskuulkiisaba la kulmay oo wareysigan la yeeshay, Cabdullaahi ayuuna ku hormaray.