Francois Hollande oo aan xilka mar kale u tartami doonin

Faransiiska
Image caption Madaxweynaha dalka Faransiiska Francois Hollande

Madaxweynaha dalka Faransiiska Francois Hollande ayaa si lama filaan ah u shaaciyay in uusan mar kale u tartami doonin xilka madaxweynenimada ee uu hadda hayo.

Hollande ayaa sheegay in uu go'aansaday in uusan isu soo sharixin xilkaasi, isaga oo intaa ku daray in uu ogyahay halista uu wajihi karo haddii uu tartamo..

Hoggaamiyahan xisbiga hantiwadaagga oo 62 jir ah ayaanan helin shacbiyaddii uu u baahnaa muddadii uu xilka hayay, waxa uuna noqonayaa madaxweynihii ugu horreeyay taariikhda dalkaasi Faransiiska oo aan xilkaasi mar labaad u tartamin.

Francois Fillon oo ah hoggaamiyaha xisbiga Conservative Republicans ayaa loo arkaa in uu ku guuleysan doono doorashada dalkaasi ka dhici doonta sanadka dambe.

Ra'yi uruurin dhawaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in musharaxa kale ee xisbiga midigta fog Marine Le Pen uu noqon karo qofka labaad ee Fillon tartanka adag la gali karo.

Go'aanka madaxweyne Hollande ayaa furaya albaab cusub oo ah tartan bisha janaayo ka dhex billowdo xisbiga hantiwadaagga.

Ra'iisalwasaare Manuel Valls ayaa laga yaabaa in uu ku soo baxo tartanka xisbiga, maadaama usbuucii la soo dhaafay uu sheegay in uu tartamayo.