Madaxwaynaha Gambia oo qirtay in laga guulaystay

Yahya ayaa awooda Gambia afgambi kula wareegay sanadkii 1994-tii. Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Yahya ayaa awooda Gambia afgambi kula wareegay sanadkii 1994-tii.

Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka ee Gambia ayaa sheegay in Yahya Jammeh uu qirtay in lagaga guulaystay doorashadii Khamiistii dhacday.

Wuxuu intaas ku daray in ay ahayd wax aan la saadaalin karin in hogaamiyaha Gambia uu qirto in lagaga guulaystay doorashada ka hor shaacinta natiijooyinka rasmiga ah.

Natiijada doorashadan ayaan dad badan ka yaabisay.

Ilaa iyo hadda Yahya si toos ah isagu ugama hadlin natiijada hordhaca ah ee tilmaamaysa in uu ka codad yaryahay Adama Barrow oo ah hogaamiyaha mucaaradka.

Ninkan ayaa helay 45% codadkii la dhiibtay.

Yahya ayaa awooda Gambia afgambi kula wareegay sanadkii 1994-tii.

Dalkaas galbeedka Afrika kuyaalla awooda si sahlan loolama kala wareegin tan iyo markii uu xornimada helay 1965-tii.

Kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa ku eedeeyay Mr Jammeh inuu geystay tacaddiyo. Wuxuu horay u sheegay inuu daweyn karo AIDS_ka iyo dhalmo la'aanta.

Waa kuma Adama Barrow?

Lahaanshaha sawirka AP
  • wuxuu ku dhashay tuulo u dhaw magaalada Basse 1965
  • London ayuu u wareegay sanddii 2000 uu wax ka barnayay waardiyana ahaa
  • Gambia yuu ku soo laabtay2006 oo wuxuu alkumay shirkad ganacsi
  • Wuxuu ku guuleystay magacaabista mushrraxnimada madaxtinnimada todobo axsaab oo isbaheysi sameystay .
  • Wuxuu cambaareeyay sharciga aan xadideynin xilliga xafiiska madaxweynaha