Ciyaaryahan ka badbaaday shilkii diyaaradda Kolombiya oo la rajaynayo inuu ciyaaraha dib ugu laabto

Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in Neto uu awoodi doono in uu ciyaaraha dib ugu laabto sida uu aabihii sheegay Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in Neto uu awoodi doono in uu ciyaaraha dib ugu laabto sida uu aabihii sheegay

Ciyaaryahan reer Brazil ah oo ka badbaaday diyaaraddii ku burburtay Kolombiya Isniintii ayaa soo kabanaya waxaana laga yaabaa in uu dib ugu laabto ciyaaraha, sida uu sheegay aabihii.

Helio Hermito Zampier Neto, a 31-year-old defender for Chapecoense, was in a stable condition, doctors said, after surgery on a lung, a knee, a wrist and his head.

Helio Hermito Zampier Neto, oo 31 jir ah ayaa difaaca uga dheelayay kooxda Chapecoense, dhakhaatiirtuna waxay sheegeen in qaliin lagaga sameeyay sambabka, lawga, madaxa iyo gacan balse xaaladdiisa caafimaad ay dagan tahay.

Shan ruux oo kale ayaa ka badbaaday burburka diyaaraddaas oo dilay 71 ruux.

Saraakiisha Kolombiya waxay sheegeen in ay sii kordhayaan cadaymaha muujinaya in diyaaraddu ay shidaal la'aan noqotay.

Cod la baahiyay ayaa laga maqli karaa duuliyihii diyaaradda oo ku calaacalaya in diyaaradda aysan ku jirin shidaal ku filin.