Trump oo jabiyay siyaasadda Mareykanka kaddib markii uu toos ula hadlay Taiwan

Kooxda Donald Trump ayaa sheegtay in uu Tsai Ing-wen ugu hambalyeeyay xilka madaxtinimada Taiwan ee Janaayo noqotay Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Kooxda Donald Trump ayaa sheegtay in uu Tsai Ing-wen ugu hambalyeeyay xilka madaxtinimada Taiwan ee Janaayo noqotay

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Donald Trump, ayaa jabiyay siyaasad Mareykanka u degsaneyd tobannaan sano kaddib markii uu la hadlay Madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen, iyadoo ay taasi horseedi karto khilaaf ballaaran oo diblumaasiyadeed oo uu Shiinaha la galo.

Kooxdiisa ku howlan sida ay xilka ula wareegi lahaayeen ayaa sheegay inay ka wada hadleen xiriirka dhaw ee dhaqaalaha iyo ammaanka ee ka dhaxeeya Mareykanka iyo Taiwan.

Mr Trump ayaa markii dambe waxa uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay fariin uu ku sheegayo in uu soo wacay Madaxweyne Tsai Ing-wen.

Shiinaha ayaa u arka Taiwan inay qeyb ka tahay dhulkiisa, tallaabakasta oo uu Mareykanka dhankaa u qaadana waxaa loo arki karaa inuu taageero u fidinayo madaxbanaanida Taiwan, taasi oo si weyn uga xumaan doonto Beijing.

Wadahadalka dhex maray Madaxweynaha la doortay Trump iyo Madaxweynaha Taiwan ayaa ka mid ahaa afar wicitaan oo uu shalay Trump ka helay hogaamiyayaal ajnabi ah.

Hasayeeshee uma aanay muuqan in wicitaankaa ay wax lug ah ku laheyd wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka taasi oo caadiyan ka tala bixiso arrimaha siyaasadeed.

Mareykanka ayaa xiriirkii diblumaasiyadeed u jaray Taiwan sanadkii 1979 oo ku dhawaad 40 sano waxa uu qaatay waxa loogu yeero siyaasadda 'Shiine hal qura ah' - iyagoo Beijing u aqoonsaday inay tahay dowladda kaliya ee uu Shiinuhu leeyahay.