Dowladda Suuriya oo qabsatay dhul hor leh

colaadda suuriya Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dagaalka xalab ayaa sii xoogeystay

Ciidamda dalka Suuriya iyo xulufadooda ayaa lagu soo waramayaa in ay qabsadeen degmo kale oo ku taala bariga magaalada Xalab.

Qabsashada demadan ayaa waxa ay timid iyadoo xalay oo dhan madaafiic culus lagu garaacayay bariga magaaladaasi.

Ciidamada dowladda ayaa hadda waxa ay si toos ah u maamulaan waddo muhiim ah oo isku xirta galbeedka magaalada iyo garoonka diyaaradaha ee ugu weyn magaaladaasi.

Qabsashada degmadan ayaa waxa ay ka dhigan tahay in 60% dhulkii fallaagadu ay ka talin jireen ee bariga magaalada Xalab uu hadda gacanta u galay ciidamada dowladda.

Ciidamada dowladda Suuriya oo kaashanaya maleeshiyaad Iraan lala xiriirinayo iyo taageero ay ka hesho dowladda Ruushka ayaa wax ka yar saddex usbuuc gudahood markii ay guluf hor leh billowday waxa ay ku qabsatay saddex degmo ooh or leh.

Kummanaan qof oo rayid ah ayaa u qaxaya galbeedka magaaladaasi oo ay dowladdu maamusho.