Ruushka oo "dilay" hogaamiyaha daacish ee Waqooyiga Qowqaas

Ruushka ayaa aaminsan in Waqooyiga Qowqaas ay joogaan Daacish
Image caption Ruushka ayaa aaminsan in Waqooyiga Qowqaas ay joogaan Daacish

Ciidamada amniga ee dalka Ruushka waxay sheegayaan inay dileen hogaamiyihii daacish ee Waqooyiga Qowqaas.

Ruushka ayaa magaca ninkaasi ku sheegay Rustam Aselderov.

Waxay sheegeen inuu ka mid yahay shan qof oo lagu dilay dagaal dhexmaray ciidamada amniga iyo ilaalada wasiirka arrimaha gudaha ee Makhachkala.

Ciidamada Ruushka waxay sheegayaan in ninkaasi uu masuul ka ahaa weeraro badan oo dad ay ku dhinteen oo ka dhacay Ruushka.

Waxaa ka mid ah weerarada lagu eedeeyay mid dad badan ay ku dhinteen oo dhacay 2013kii.

Weerarkaasi waxaa lala eegtay qad tareen oo shacabka ay isticmaalaan oo ku yaalla magaalada Volgograd.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan