Shacabka Taliyaaniga oo u codeynaya isbedel lagu sameeyo dastuurka

Mustaqbalka hogaamin ee Matteo Renzi waxay ku xiran tahay natiijada aftida Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Mustaqbalka hogaamin ee Matteo Renzi waxay ku xiran tahay natiijada aftida

Shacabka Taliyaaniga waxay u codeynayaan afti loo qaadayo is bedel lagu sameeyo dastuurka.

Waxaa aftidaasi in la qabto ku baaqay ra'iisul wasaaraha Taliyaaniga, Matteo Renzi.

Is bedelka la doonayo in dastuurka lagu sameeyo ayaa ah in la dhimo awooda aqalka sare, lana xoojiyo awoodda dowladda dhexe.

Mr Renzi wuxuu sheegay inuu is casili doono haddii aftida looga adkaado.

Dalalka kale ee midowga Yurub waxay ka cabsi qabaan in shacabka ay u codeeyaan "MAYA".

Arrintaasi ayey sheegayaan inay qalalaase iyo dhibaato ku keeni karto bangiyada Taliyaaniga.

Ololaha diidmada waxaa hogaaminaya xisbi doonaya in dib u qeiimeyn lagu sameeyo xiriirka Midowga Yurub iyo Taliyaaniga ka dhexeeya.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan