Xildhibaan dalbaday in xoola dhaqatada Kenya suuq loo raadiyo
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xildhibaan dalbaday in xoolaha Sooomaalida Kenya suuq loo raadiyo

Baarlamaanka dalka Kenya ayaa loo gudbiyay dood ku saabsan in dowladda ay sameyso guddi heer qaran ah oo ka shaqeeya hormarinta deegaanada ay ku nool yihiin dadka Xoola dhaqatada ah.

Waxaa kaloo guddigaasi laga doonayaa inay suuq u raadiyaan xoolaha Kenya, sida uu sheegay Xildhibaan Cabdinuur Maxamed oo dooda u gubiyay baarlamaanka Kenya.

Wxuu ku doodayaa Xildhibaan Cabdinuur in beeraleyda caleenta, kuwa kafeega, ay leeyihiin guddiyo u suuq geeya wax soo saarkooda, sidaas oo kalana ay iyagu doonayaan in loo magacaabo guddi ka shaqeeya horumarinta iyo suuqgeynta xoolaha nool.

Xildhibaan Cabdinuur Maxamed waxa uu u warramay Weriyaha BBC-da, Ciise Xaaji Cabdulle.

Mowduucyada la xiriira