Dowladda Ciraaq oo Moosil, biyo iyo cunto gaarsiiysay

Dadka ku nool nawaaxiga Moosil waxaa soo food saaray dhibaatooyiin kala duwan Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Dadka ku nool nawaaxiga Moosil waxaa soo food saaray dhibaatooyiin kala duwan

Dowladda Ciraaq ayaa waxay booyado biyo ah, cunto iyo shidaal gaarsiiysay dadka ku nool degmooyiinka daacish laga saaray ee Moosil.

Wararka ayaa sheegaya in deegaanada ciidamada dowladda iyo xulafadooda ay qabsadeen ay biyo la'aan ka jirto.

Dagaal yahanada daacish ayaa deegaanadaasi biyaha ka jaray, sida wararka ay sheegayaan.

Xubin sare oo dowladda ka mid ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AP, in kaalmada la geeyay xaafadaha Bartella iyo Wayara.

Labadaasi degmo waxay ku yaallaan dhanka waqooyi ee Moosil, dhowaan ayaana laga saaray ururka la baxay Khilaafada Islaamka.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
DAAWO: Xaafadaha qaar Moosil oo biyo iyo cunto la gaarsiiyay

Ciidamada Ciraaq oo taageero ka helaya xulafo kala duwan ayaa bishii October billaabay duullaan ay dib ugu qabsanayaan Moosil.

Balse, howlgalka ayaa gaabis noqday, dhiig badanna wuu ku daatay dagaalka oo weli aysan fari ka qodneyn.

Sidoo kale waxaa howlgal-ka ragaadiyay dib u dhacyo ay kala kulmayaan dagaalka adag ee daacish.

Dadka ku nool Moosil iyo deegaanada ku hareereysan waxay ka walwalsan yihiin sida ay uga badbaadi karaan xilligan qabowga uu ka jiro dalka Ciraaq.

Dadkaasi ayaanan haysan waxyaabaha aasaasiga ah sida guri wanaagsan, iyo adeegyada lagama maarmaanka ah sida caafimaadka.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan