Isbitaal bixin kara adeegyada kala duwan ee caafimaadka oo laga furay magaalada Maxaas
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Isbitaal bixin kara adeegyada kala duwan ee caafimaadka oo laga furay magaalada Maxaas

Magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan waxaa markii ugu horreysay taariikhda laga hirgeliyay isbitaal guud oo bixinaya adeegyo caafimaad oo ay ka mid yihiin daweynta iyo qaliinada.

Isbitaalka oo ku fadhiya dhul balaaran ayaa waxaa hawlgelintiisa gacan weyn ka gaystay jaaliyadda Soomaaliyeed ee deegaankaasi ka soo jeedda ee ku nool qurbaha wallow hay'ad samafal ay dhistay dhismaha isbitalka.

Durba boqolaal qof ayaa adeeg caafimaad u soo doontay isbitaalka guud ee Maxaas kuwaas oo qaarkood ay deegaano fogfog ka kala yimaadeen.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho, Ibrahim Maxamed Aadan, ayaa taleefanka kula hadlay agaasimaha isbitaalka Maxaas Dr Maxamed Cabdi Warsame, waxa uuna marka hore weydiiyay bal in uu ka waramo isbitaalka Maxaas laga furay?