Wiil dhalinyara ah oo uu naafeeyay cudur balse aanan quusan
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wiil dhalinyara ah oo uu naafeeyay cudur balse aanan quusan

Dhageyste bal ka warran Allaah ma qadaree haddii uu ku soo rito oo aad la naafoowdo cudur taasi ma kaa hor istaagi laheyd inaad ka guul gaarto himiladaada?

Hagaag, haddaba Maxamed Muuse Jaamac (Maxamed Haldoor) waa wiil dhallinyaro ah oo isagoo arday ahaa uu curyaamiyay cudurka manajaytiska ama qoorgooyaha loo yaqaanno.

Hasayeeshee Maxamed middaasi kama aanay hor joogsan inuu sii wato waxbarashadiisa ilaa markii dambe uu ka noqday weriye soo jeediya soona saara barnaamijta.

Haddaba Axmed Saciid Cige ayaa Maxamed ku wareystay magaalada Hargeysa, waxa uuna marka hore waydiiyay halka uu ku dhashay iyo sida uu cudurkan ugu dhacay?