Trump oo bartiisa Twitter-ka ku weeraray Shiinaha

Donald Trump Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Donald Trump

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa qoraallo dhowr ah oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu ku weeraray siyaasadda Shiinaha.

Trump ayaa xukuumada Beijing ku edeeyay in ay qalqal galineyso lacagta Mareykanka, ayna la wareegayaan shaqooyinkii Mareykanka.

Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay inay sii xoojinayso awoodeeda milateri iyadoo saldhigyo ka dhisaysa Koonfurta Badda Shiinaha.

Mareykanka ayaa horay ugu dhaleceeyay Shiinaha hoos u dhaca ku yimid qiimaha lacagta dollarka.

Mareykanka ayaa sidoo kale horay u sheegay in xukuumada Beijing ay joojiso sheegashada jaziirada koonfurta shiinaha oo dalal badan ay sheegtaan.

Jasiiradaasi waxaa ku sugan ciidamo Mareykan ah, dalalka sheeganayana waxaa ka mid ah Japan.

Goor sii horeesay na xoghaya arimaha dibadda ee Mareykanka John Kerry waxaa uu kula taliyay kooxda Trump ee ku howlan la wareegida xukunka in la tashi ay la sameeyaan wasaarada arimaha dibadda kahor inta aysan xiriiri la sameyn hogaamiyeyaasha shisheeye.

Shiinaha ayaa dhowaantan ka carooday wadahadal dhex maray madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump iyo hogaamiyaha Taiwan.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan