Pakistan: Dab dad badan ku laayay huteel ay dadka ladan dagaan

Dadkii huteelka daganaa oo la badbaadinayo Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Dadkii huteelka daganaa oo la badbaadinayo

Ugu yaraan 11 ruux ayaa dhimatay ka dib markii uu dab ka kacay huteel ay dadka ladan dagaan oo ku yaalla magaalada Karachi, ee dalka Pakistan.

Dabka ayaa ka billawday jiko ku taalla qaybta hoose ee hotaalka Regent Plaza, ka hor inta uusan ku fidin dhismaha qaybihiisa kale sida ay ku waramayaan warbaahinta guduhu.

In kabadan 70 ruux ayaa ku dhaawacantay ka dib markii uu dabku go'doomiyay dadkii huteelka daganaa oo qaarkood ay heleen meelo kooban oo ay ku baxsadaan.

Warbixinno badan ayaa sheegaya in dadka ay waxyeeladu soo gaartay ay ka mid yihiin dad ajaaniib ah.

Muuqaal talefeshin ayaa muujiyay go'yaal sariir oo la isku xirxiray oo ka laad laada daaqadaha huteelka, kuwaas oo la sheegay in ay dadka qaar ku daadagteen.

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Dad badan ayaa sheegay in ay isku dayeen waxkaste oo ay awoodeen si ay u badbaadaan

Khaalid Maxamuud oo ka mid ah dadka dhaawacmay oo yaalla saraiir isbitaal ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in uu go'yaal isku xirxiray si uu uga soo daadagto dabaqa afraad.

Wuxuu sheegay in go'yaashii ay u gaari waayeen ilaa iyo dhulka ayna dantu ku qasabtay in uu boodo isaga oo bartanka maraya.

Wakaaladda wararka ee Associated Press of Pakistan ayaa soo xigatay duqa magaalada Karachi, Waseem Akhtar, oo sheegaya in dhismuhu uusan lahayn marin kale oo loogu talagalay in loo adeegsado haddii xaalad dagdag ah ay dhacdo.

Dab damiska ayaa soo badbaadiyay dadka qaar iyaga oo adeegsaday jaranjarooyin.