Israa'iil oo dardar galisay sharciyaynta guryaha dhulka lahaysto ee Daanta Galbeed

Dhismeyaasha Amona Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Dhismeyaasha Amona

Baarlamaanka Israa'iil ayaa si hor u dhac ah u meelmariyay qorshe sharci ka dhigi doona kumannaanka guri ee laga dhisay dhulka la haysto ee Daanta Galbeed.

Wasiirka waxbarashada Israa'iil, Naftali Bennett oo qorshahan si wayn u taageersan ayaa sheegay in tani ay billaw u tahay la wareegidii ay Israa'iil la wareegi lahayd deegaankaas intiisa badan, kaas oo ay ku muran san yihiin Falastiiniyiinta iyo Israa'iil.

Dadka dhaliishan arrintan oo Israa'iiliyiin iyo Falastiiniyiinba leh ayaa ku tilmaamay dhul boobid.

In hindisahan uu sharci noqdo wuxuu u baahan yahay in baarlamaanku uu saddex jeer darso.

Ilaa 4,000 oo guri oo ay dhisteen dad aan fasax haysanin ayay guryahoodu sharci noqon doonaan hadii la meel mariyo

Marka la fiiryo qawaaniinta caalamiga ah guryahaasi waa sharci darro.

Nuqul hore oo isla hindisahan ah ayaa marxaladan oo kale soo gaaray balse dhicisoobay.

Mowduucyada la xiriira