Doorshooyinka xubnaha baarlamaanka ee Koonfur Galbeed oo dhamaaday
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Doorshooyinka xubnaha baarlamaanka ee maamulka Koonfur Galbeed oo dhamaaday

Magaalada Baydhabo waxaa xalay lagu soo gabagabeeyay doorashada xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ka soo galaya deegaanada maamulka Koonfur Galbeed, kuwaas oo tiro ahaan gaaraya 69 xildhibaan.

Baydhabo waxaa taalay kuraasta ugu badan ee deegaan doorasho dalka oo dhan, waxayna ku guuleysteen in ay soo gabagabeeyaan doorashada xubnaha gaaraya 69 ka xildhibaan.

Doorashada intii ay socotay waxaa hareeyay eedeymo waaweyn oo kaga imaanayay beesha caalamka iyo dhinacyo Soomaali ah, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen wax isdabamarin, handaaad iyo cagajugleyn loo geystay musharaxiinta iyo ergada codeynaysay.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibrahim Maxamad Adan, ayaa taleefanka magaalada Baydhabo kula hadlay gudoomiyaha gudiga doorashada maamulka Koonfur Galbeed , Maxamad Cabdullahi Mursal, sida ay ku soo dhamaatay deegaan doorashada Baydhabo.

Mowduucyada la xiriira