Gurmad loo samaynayo abaaraha Puntland
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Gurmad loo samaynayo abaaraha Puntland

Guddiga gurmadka abaaraha ka jira gobolada Puntland ayaa sheegay in haddii sida xaaladdu u xun tahay ay ku sii socoto oo aan roobab la helin dhowrka todobaad ee soo socda, meelaha qaar aysan jiri doonin xoolo la dhaqdo.

Sheikh Fu'aad Mohamuud Xaaji Nuur oo isaga iyo xubnaha gurmadka abaarta ay soo mareen meelaha ugu sii daran xaaladda abaarta aadka u ba'an tahay ayaa markii uu maanta ku noqday magaalada Bossaaso u waramay BBC.