'Dagaalyahanno ka tirsan Boko Xaraam ayaa isa soo dhiibay'

Dagaalamayaasha Boko Xaraam Lahaanshaha sawirka AFP

Madaxweynaha dalka Nigeria Muhammadu Buhari ayaa sheegay in dagaalamayaal badan oo ka tirsan kooxda Boko Xaraam ay isku dhiibeen dowladda Chad.

Boko Xaraam ayaa kacdoonkeeda ka billowday waqooyiga Nigeria sanaddii 2009-kii balse waxay kooxdu xoojisay howlgallada ay ka wado Chad iyo dalalka kale ee deriska la ah Nigeria sanadihii dhawaa.

Isaga oo ka hadlayay kullan goboleed ku saabsan ammaanka oo lagu qabtay caasimadda Senegal ee Dakar ayaa Mr Buhari waxa uu sheegay in dagaalamayaasha Boko Xaraam ay billaabeen inay isi soo dhiibaan ka dib markii ay cadaadis badan kala kulmeen ciidammada isbaheysiga.

Mr Buhari waxa uu sheegay in la gaaray wakhtigii ay kooxdaasi burburi lahayd. Waxa uu sheegay in mintidiintaasi laga saaray dhammaan goobihii ay mar hore gacanta ku dhigeen ee waqooyiga Nigeria.

Boko Xaraam waxay doonaysaa in ay ka abuurto dowlad Islaami ah woqooyiga dalka Nigeria. Dagaalkani intii uu socday ayaa dadka ku dhintay lagu qiyaasay in ka badan 30,000 oo qof.